Thursday, June 26, 2025

Mooshinka xil ka qaadista Shariif Xasan oo la saxiixay & Xiisad ka taagan Baydhaba

Mooshinkii mudadda dheer la diyaarinayay ee ka dhanka ahaa madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa ugu danbeyn la saxiixay.

Wararka laga helayo magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in xildhibaanno ka badan 50 ay saxiixeen mooshinkaxil ka qaadista Shariif Xasan Sheekh, iyagoo ku eedeeyay xil gudasho la’aan iyo ku tumasho dastuurka K/Galbeed iyo kan dowladda Federaalka.

Iyadoo xildhibaanno kale oo taageersan Shariifka ay sheegeen inay ka horjeedaan mooshinka, ayaa haddana waxay noqoneysaa markii ugu horeysay ee mooshinka xil ka qaadista Shariifka uu gaaro heer la saxiixo oo loo gudbiyo guddoonka Baarlamaanka maamulkaasi.

Shariif Xasan ayaa lagu yaqaan inuu kala furfuro siyaasiyiinta kasoo horjeeda, laakiin xilliga dheer ee uu xilka hayay iyo isagoo wax horumar ah ka sameyn waayay degaankaasi ayaa qeyb ka noqday inay kordhaan xildhibaannada ka horjeeda.

Xaaladda magaalada Baydhaba ayaa la sheegay inay weji cusub gashay iyadoo xiisad siyaasadeed ay ka taagan tahay, waxaana socda shirar gaar gaar ah oo ay leeyihiin xildhibaannada maamulkaasi.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON