Kulankii Golaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu qeybiyay mooshinkii laga keenay maamulka Juba ee Axmed Madoobe oo ay saxiixeen 43 xildhibaan, iyadoo maalmaha soo socda la filayo in dooda mooshinkaasi ay bilaabato xilli ay xildhibaanno fara badan ka horjeedaan Baarlamaanka loo maamulka Jubooyinka.
Mooshinkan ayaa wararku sheegayaan inuu madaxweyne Xasan Sheekh ka dalbaday gudoonka Baarlamaanka in la laalo ama dib loo dhigo balse guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa ku adkeystay in mooshinka doodiisu bilaabato mar haddii si sharci ah loo keenay oo aanay jirin sabab loo hor istaago.
Dhinaca kale waxaa xildhibaanada Baarlamaanka kulankoodii maanta loo qeybiyay Sharciga Saxaafadda oo muddo dheer ku meereysanayay Wasaaradda warfaafinta iyo xukuumadda, sharcigan oo waxyaabo badan laga bedelay, wuxuu ka soo jeedaa sanadki 2007-ki oo magaalada Baydhaba uu ku ansixiyay Baarlamaankii kumeelgaarka ahaa.
Mooshinka ka dhanka ah maamulka Jubba ayaa lagu wadaa inuu doodiisa la bilaabo maalmaha soo socda, iyadoo xildhibaanada taageeraya mooshinka ay ka badan yihiin kuwa taageersan, inkastoo aan la ogeyn dhinaca uu mari doono.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]
[ad name=”HTML-6″]