Tuesday, June 24, 2025

Mooshinkii looga horjeeday saldhigga Imaaraadka ee Berbera oo maanta ka furmay Baaralmaanka

Mooshinka looga doodayo saldhigga milateri ee Imaaraadka laga siiyay magaalada Berbera ayaa ka bilaabanaya maanta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaanadii ugu badnaa ayaa isugu tegay mooshinkan oo loo arko inuu ka mid yahay Mooshinkii Baarlamaankii KMG ahaa ku diiday heshiiskii is-arfgarad ee xukuumadii Soomaaliya iyo dowladda Kenya ka gaareen arrimaha Badda.

Guddoonka Baarlmaanka ayaa shaaciyay in Arbacadd maanta la bilaabay doodda mooshinka looga horjeedo saldhigga Imaaraadka Carabta kula heshiiyay maamul goboleed aan la aqoonsanayn.

Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha ayaan wax hadal ah kasoo saarin arrinta dekadda Berbera, waxaana mooshinkan uu sii kordhin doonnaa xaaladda xiriirka sii xumanaaya ee labada dal.

Mooshinkan ayaa ku soo beegmay iyadoo saacadaha soo socda la filayo in magaalada Dubai lagu saxiixo heshiis kale oo shirkadda Dubai World kula wareegeyso maamulka dekadda Boaoaaso.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON