Monday, July 14, 2025

Mor Farah oo ka mid noqday shaqsiyaad ay abaalmarin siineyso Boqoradda Ingiriiska [Sawirro]

Orodyahanka caanka ah ee Mo Faarax ayaa lagu daray liiska dadka la abaalmarinta sanadka siin doonto Boqoradda dalka Ingiriiska.

Mo Farah ayaa ka mida dad laga soo xulay ciyaartoyda iyo fanka UK oo loo gartay in lagu abaalmariyo sidii ay dalkooda ugu shaqeyeen.

Mo ayaa ku guuleystay bilado badan oo dahab ah kuwaas ayaana sabab u ah in lagu daro diiwaanka boqoradda UK ee dadka la sharfay sanadkan. Mo ayaa hadda kadib qaadan doona darajada Jaallenimo e UK oo ah “SIR”, isagoo loogu yeeri doono Sir Mo Farah.

Isagoo ka hadlay arrintan ayuu sheegay inay tahay riyo u rumowday oo uu muddo dheer ku taamayay. Mo Faarax waa 33 sano jir ah, ku guuleystay laba billadood oo dahab ah oo nar qura tartankii olombikada ee Rio, taas oo ahayd guushiisii afaraad ee dahabka.

Mo Farah ayaa noqday qofka labaad ee keli ah ee dahab ka qaata tartamada Olimbikada ee 5,000m iyo 10,000m. In la sharfo waxay uga dhigan tahay inuu safarkii dheeraa ee uu u maray uu soo afjaray Mor Farax.

Orodyahankan ayaa isagoo 8 sano jir ah galay dalka Britain, wuxuuna ka tagay Soomaaliya.

“Dibu milicsiga wiilkii yaraa ee Soomaaliya ka yimid, kaas oo aan erey ka aqoon Ingiriiska, ma saadaalin karin lahayd inaan maanta meeshaan joogaayo. Waa riyo ii rumowday,” ayuu yiri Mo Farax.

Dadka ciyaaryahanada ah ee liiska ku jira waxaa ka mida: Andy Murray oo teeniska ku caan baxay, Mo Farah, Lee Pearson oo olombikada ah, Jessica Ennis-Hill iyo Katherine Grainger.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON