Thursday, July 17, 2025

Mucaaradka Kenya oo u ololeynaya in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya

Isbaheysiga Mucaaradka Kenya Coalition for Reforms and Democracy (Cord) ayaa soo cmusyoka-railausbooneysiiyay olole uu ku doonayo inuu culeys ku saaro dowladda dalkaasi inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya, waxayna madaxweynaha Kenya Uhuru  Kenyata ku eedeeyeen inuu iska dhega tiro digniinta ammaanka ee dalalka reer galbeedka u soo jeediyeen isagoo iska weyneysiiya.

Hogaamiyeyaasha Isbaheysiga Mucaaradka Kenya Raila Odinga iyo Kolonzo Musyoka oo haddalo ka jeediyay aas loo sameeyay xildhibaanad iyo qoraa  xushmad ku lahayd dalka Kenya ayaa si cad ugu sheegay in joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya ayay sabab u yihiin weerarada ka dhacaya gudaha Kenya.

[ad name=”HTML-2″]

Ololaha in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya wuxuu dib u soo cusboonaaday kadib weerarkii Alshabaab ku qaaday Jamaacadda Gaarisa oo 147 ruux lagu dilay. Xildhibaanno badan oo mucaaradka Kenya ka mida ayaa sidoo kale codkooda ku biiriyay in ciidamada Kenya laga saaro Soomaaliya oo dowladoodu dib uga fiirsato qorshaha argagixiso la dirirka.

Inkastoo ciidamada Kenya ee soo galay Soomaaliya ay ku yimaadeen go’aan ay iskeed u qaadatay dowladdii markaas jirtay ee Kenya haddana dowladda Uhuru waxay ku sii socotay siyaasadda ah inay kasii mid ahaato AMISOM oo markii dambe ay ku biirisay ciidamadeeda.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-5″]

[ad name=”HTML-4″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON