Waxaa maanta oo ku beegan 27 Disembar 2020 ku dhammaaday mudo xileedkii sharciga ahaa ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la dhaariyey maanta oo kale afar sano ka hor (27 Disembar 2016).
Baarlamaanka 10-aad oo lagu tilmaamay tii ugu tayo liitay ee ku milmay hay’adaha Madaxtooyada iyo Fulinta ayey muddadii xil-heynta ka dhammaatay iyadoo aan la dooran Baarlamaan kale, isla mariana aanay jidka kusoo jirin xildhibaanno cusub, waxaana weli lagu muransan yahay fulinta heshiiskii Doorashada Dadban ee mar kale la qaatay in lagu soo xulo Baarlamaankii bedeli lahaa ee 11-aad.
Baarlamaanka waqtigiisu maanta ku eg yahay wuxuu ku fashilmay howlihii muhiimka ahaa ee loo xil saaray markii la doortay oo ay ugu horeeyeen: Dhammeystirka Dastuurka si Afti dadweyne loogu qaado; Qabashada Doorasho Qof iyo Cod ah iyo La xisaabtanka xukuumadda.
Waxaa la yaab leh in Baarlamaankani inuusan dooneyn kaliya inuu ahaado Baarlamaan xilka sii haya inta laga dooranayo Baarlamaan cusub, basle uu ku talo jiro inuu yeesho awood la mida Baarlamaan sharci ah oo xilligiisa shaqeynaya (Dooran kara madaxweyne cusub), taasoo ka muuqatay qodob lagu soo daray heshiiskii Doorashada Dadban ee 17 September 2020 oo xeer ahaan Baarlamaanku u ansixiyey, balse aan loo marin qaab wax ka bedel Qodob Dastuur.
Si kastaba ha ahaatee Baarlamaanka 10-aad ee Federaalka Soomaaliya wuxuu qaadan doonnaa wixii maanta ka dambeeya: ‘Baarlamaanka xilka sii haya’ ama ‘Baarlamaanka xilgaarsiinta’, waxaana suuragal ahayn inuu Baarlamaan xilgaarsiin ah yeesho awood la mida Baarlamaan rasmi ah.


