Dab xoog leh ayaa qabsaday Garaash ku yaalla Isgoyska mashquulka badan ee KM4 ee magaalada Muqdisho, kaasoo lagu iibiyo shidaalka iyo baabuurta, wuxuuna saameyn ku yeeshay xarumo ganacsi.
Dabkan ayaa qasaare baaxad leh geystay ayaan la sheegin sababta dhalisay, wuxuuna saameeyay dukaamo lagu iibiyo qalabka dayactirka Baabuurka iyo ganacsiyo kale, iyadoo markii dambe lagu guuleysatay in la damiyo.
Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay Isgoyska KM 4 si ay uga qeyb qataan daminta dabka. Gaadiidka dab-damiska Shirkadda Hormuud ayaa gaaray halkaasi oo markii dambe ku guuleystay inuu bakhtiiyo dabkaasi.
Kharaare Hantiyeed ayuu dhaliyay dabka, inkastoo aan la soo sheegin cid wax ku noqotay, waxaana sidoo kale goobta tegay ciidamada Amniga.