Wednesday, June 25, 2025

MUQDISHO: Faahfaahin ku saabsan Qarax ka dhacay Garaash ay la wareegeen ciidamada NISA,

Qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa dhaliyay qasaare dhimasho  iyo dhaawac leh.

Qaraxa ayaa ahaa Miino lagu aasay afaadka hore ee Garaash la sheegay inay dhowaan la wareegeen ciidamada NISA oo ku yaalla Xaafadda Black Sea ee Degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Qasaaraha qaraxa sababay ayaa gaareysa dhimashada 3 qof oo midkood ahaa askari ka tirsan ciidamada Nabadgelyada, waxaana dhaawac ka soo garay 5 qof oo kale.

Lama oga sida ay ku suuragashay in goob ah joogaan ciidamada oo amni ahaan loola wareegay loo geliyay qaraxa miino, waxaana saraakiisha amniga ay sheegeen inay wadaan baaritaan.

Garaashkan ayaa baaritaan hore lagu ogaaday inuu ahaa goobta lagu soo abaabulay qarax kale oo ka dhacay Beerta Jaadka ee isla Degmada, waxaana markaas kadib la wareegay ciidamada nabadsugidda.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON