Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa maanta ka duwan sidii hore, waxaana magaalada ay gebi ahaanba tahay magaalo ciidan oo aanu jirin wax isu socod ah, waxaa meel waliba taagan ciidamada kala duwan ee dowladda Federaalka.
Ciidamo gaara oo Turki ah ayaa la wareegay qeybo ka mida caasimadda Soomaaliya, siiba garoonka diyaaradaha, safaaradda cusub ee Turkiga iyo xarumo muhiim ah oo u dhaxeeya labada meelood.
Waxaa laga howlgalay sidii loo nadiifin lahaa burburkii qaraxii Hotel Ambassador oo wadadda caanka ah ee Maka Almukarama muuqaalkeeda wax weyn u dhimay, waxayna shaqaalaha gobolka Banaadir shalay iyo xalay howl weynb ka qabteen wadaddaasi.
Madaxweynaha Turkiga ayaa hogaaminaya wafdi balaaran oo isugu jira saraakiil iyo madaxda dalkaasi, wuxuuna magaalada Muqdisho ka furi doonaa safaaradda ugu weyn caalamka oo Muqdisho laga dhisay, isagoo sidoo kale booqan doona mashaariicda Turkiga ka hirgeliyay magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha Soomaaliya iyo madaxda maamulada dalka ayaa isugu tegay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana la filayaa in goordhow uu soo dego madaxweyna Rajap Dayib Ordogan oo ay markii saddexaad ee uu magaalada Muqdisho yimaado.
Goobjooge.com