Thursday, June 26, 2025

Muqdisho & Martida culus ee IGAD (Madaxweynaha oo cudurdaar siiyay dadka Muqdisho)

Wasiirada arrimaha dibadda dalalka IGAD ayaa maanta soo gaaray Muqdisho iyadoo maalinta beri ah uu shir sanadeedkoodii ugu furmi doono markii ugu horeysay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Martida heerka sare ah ee magaalada Muqdisho ku sugan caawa ayaa saameyn weyn ku yeelatay isku socodkii bulshada iyo dhaqdhaqaaqii magaalada oo dusha guud u muuqata magaalo laga guuray.

IGAD01

Martida culeyska badan ee Muqdisho la ciirciireyso markii ugu horeysay intii dagaalada sokeeya ka danbeysay ayaa dadka Muqdisho ugu kacaya qiime badan oo noloshooda saameyn toos ah ku yeelanaya, waxayna arrintaasi keentay in madaxweyne Xasan Sheekh uu Warbaahinta hor yimaado si uu arrintaasi ugala hadlo.

Codka Madaxweynaha ka dhageyso halkan

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya aya warbaahinta kala hadlay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Muqdisho ku nool isagoo ka codsaday inay u dulqaataan jidadka xiran  oo loo xiray shirarka wasiirada arrimaha dibadda IGAD ku yeelan doonaan maalinta sabtida ah ee 10 Janaayo.

Shirkaas ayuu sheegay inuu munaasabad weyn yahay oo muddo 28 sano ah dalka lagu qabto shir noocaasi oo kale ah, “Dadka magaalada Muqdisho degan waxaan ka rabnaa inaan wufuudaas soo dhoweyno.. mudada kooban ee 24 saacadood ah ee wufuudaas nala joogaan in amniga laga shaqeeyo in loo dulqaato in mas’uuliyiintaas darteed jidadka qaarkood la xiri doono, culeysyadaasina ay u dulqaataan” ayuu yiri madaxweynaha.

Shirkan IGAD ee ka dhacaya Muqdisho ayuu ku sheegay inuu sharaf u yahay dalka ayna soo noqoneyso dowladnimadii, “Dadka Soomaaliyeedow, walaalayaalow aan ilaalino sharafta iyo heybadda aan leenahay ee Soomaalinimada aan ku leenahay, IGAD waxay marti u tahay dadka Soomaaliyeed iyo Qaranka Soomaaliyeed”.

Wuxuu ka digay madaxweynaha kuwo uu ku sheegay inay xunxun yihiin oo warar dacaayad ah ka faafinaya shirka, wuxuuna ku baaqay dulqaad.

Farriinta madaxweynaha ayaa ka danbeysay kadib markii muddo laba maalmood ah ay xirnaanyeen wadooyinka Muqdisho, waxayna wadooyinkaasi xirnaan doonaan maalin kale. Waxayna arrintan muujineysaa culeyska weyn ee saaran dadka Muqdisho.

[ot-video type=”youtube” url=”https://www.youtube.com/watch?v=tZUR4AXyNs8″]

Goobjooge.com

Muqdisho

[ad name=”HTML”]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON