Sunday, July 13, 2025

MUQDISHO oo Shan maalmood galeysa Bandow cusub & saameynta Ciidul Adxaa

Magaalada Muqdisho ayaa wajaheysa xaalad ammaan oo adag, iyadoo marti gelineysa madaxda dalalka IGAD oo markii ugu horeysay ku shireysa.

Maanta ayaa laga bilaabay magaalada Muqdisho in isku socodka gaadiidka laga joojiyo wadooyinka muhiimka ah ee dowladda, siiba garoonka diyaradaha, wadadda Maka Almukarama ilaa madaxtooyada iyo Isgosyska Banaadir ee KM5, waxaa kaloo la xiray wadadda Wadnaha ee Trebuunka ilaa Siinaay, iyadoo la dhigay ciidamada sugaya ammaanka oo gaadiidka ka xayiray wadooyinkaasi.

somalia-igad
Boor dowladda Federaalka ku xirtay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Dadweynaha lugeynaya ayaa maanta loo ogolaa inay maraan wadooyinkaasi, waxaase la filayaa in iyagana laga joojiyo isticmaalka wadooyinkaasi, marka uu soo dhowaado shir madaxeedka IGAD.

Shirka oo hore loo qorsheeyay inuu qabsoomo 10-ka Bisha oo ku beegneyd Sabtida, waxaa dib loogu dhigay 13-ka September taasoo micnaheedu yahay in dhaqdhaqaaqii wax iibsiga iyo diyaargarowga Ciidul Adxaa uu ciriiri galayo siiba Wadadda Maka Almukarama oo  ganacsiyada ugu badan ka furan yihiin.

madax-lugta
Siyaasiyiin Musharixiin ah oo sheegay inay lugeynayaan si ay dadka ugu muujiyaan inay ka mid yihiin

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa aaminsan in dadka Muqdisho ay waajib ku tahay inay dulqaad u yeeshaan arrintan maadaama marti loo yahay, ayna tahay taariikhi in caasimadda ay martigeliso shir madaxeedka IGAD, laakiin waxaa muuqata in xilli aad u xun oo Ciid ay ku so beegmay shirka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON