Muran xoog leh ayaa hareeyay Qunsuliyadda guud ee Soomaaliya ku leedahay magaalada Cadan ee dalka Yeman oo hadda fadhi u ah xukuumadda la aqoonsan yahay ee dalkaasi.
Murankan ayaa ka dhashay khilaaf u dhaxeeya Safiirka Soomaaliya ee Yeman C/llaahi Xaashi Shuuriye iyo Qunsulka Guud ee Cadan Axmed Suudaani.
Safiir Shuuriye ayaa maanta ciido u adeegsaday in dhismaha Qunsuiyadda awood loog saaro Qunsulka guud kadib markii ciidamo Yemani ah oo la socday ay tageen xarunta Qunsuliyadda ee magaalada Cadan.
Qunsul Axmed Suudaani oo diiday inuu ka baxo dhismaha ayaa si qasab ah looga saaray, wuxuuna bartiisa twittterka soo dhigay wixii maanta ka dhacay Qunsuliyadda Cadan. wuxuuna ku eedeeyay safiir C/laahi Xaashi inuu xoog kusoo galay Qunsuliyadda guud ee Cadan isagoo wata Maleeshiyaad, xoogna ku qabsaday.
Safiirka ayaa ku adkeystay in tallaabada uu qaaday ay tahay mid sharci ah oo wasaarada arrimaha dibadda ka warqabto waxa meesha ka socdo. Qunsulka Cadan ayaa hore loogu eedeeyay wax is daba marin iyo takri fal awoodeed.
SAWIRRO