Sunday, July 13, 2025

Mursal & Muudey oo shir Gaara la leh Sh. Shariif iyo Xasan Sheekh (Farriin ay ka sidaan Farmaajo)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh iyo ku-xigeenka koowaad C/weli Ibraahim Muudey ayaa kulan kula leh xarunta Madasha Xisbiyada Qaran Madaxweynayaashii hore ee Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Kulankan ayaa daba socda shirar xiriir ah oo labada dhinac dhex maray, waxayna Mursal iyo Muudey in muddo ah waanwaan ka dhex wadeen Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo madaxweynayaashii hore oo diiday inay wax kulan ah la yeeshaan.

Kulanka galabta bilowday ayaa ah mid xasaasi ah oo ku soo beegmay iyadoo uu is-casilay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre, kadib markii Guddoonka Golaha shacabka ay shaaciyeen inuu Baarlamaanka Kalsoonida kala noqday xukuumadii Kheyre, waxaana la sheegay inay farriin ka wadaan Madaxweyne Farmaajo oo wada la-tashiyada ku saabsan magacaabidda Ra’iisal wasaare cusub.

Hore ayay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh u diideen inay qaataan xilka Ra’iisal wasaaraha oo ay dowladda Madaxweyne Farmaajo kala shaqeeyaan muddo kordhin 2 sano ah, lamana oga waxa iska bedeli doono mowqifkooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON