Musharax cusub ayaa si lama filaan ah ugu soo biiray tartanka xilka Madaxweynaha Galmudug, kaasoo xilliyadii ugu danbeeyay is sharxay.
Axmed Shire Falagle oo ahaa wasiir ka tirsan Galmudug ayaa isu soo sharxay xilka Madaxweynaha Galmudug, waxaana shalay gelinkii danbe iyo xalay sawirradiisa la suray magaalada Dhuusamareeb, iyadoo lagu wado inuu maanta musharxnimadiisa u gudbiyo Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.
Waxaan weli jirin mushariixinta u taagan xilka Madaxweynaha oo is diiwaan geliyay, kadib markii ay afar musharax oo mucaaradnimo isku baheystay ay shuruudo ku xireen inay ka qeyb galaan Doorashada, waxaan kaloo weli is-diiwaangelin musharaxa ay taageersan tahay dowladda Soomaaliya ee Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).
Guddiga Doorashada Galmudug ee ayaa 3 maalmood ku daray waqtiga is-diiwaangelinta musharixiinta xilka Madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, waxayna ku eg tahay is-diiwaangelinta Maanta 4-ta galabnimo.
Musharax Axmed Falagle ayaa wararku sheegayaan inuu ka mid ahaa taageerayaasha Musharax Axmed Qoorqoor, balse hadda loo soo sharxay si uu ula tartamo saaxiibkiis, si looga hortago in doorashada uu keli ku noqdo Musharaxa ay wadato dowladda Soomaaliya.