Haweeneyda lagu maagcaabo Faadumo Dayib oo shaacisay inay tahay musharax u taagan jagada madaxweynaha muddo hore ayaa sheegtay inay wadahadal la furi doonto kooxda Alshabaab.
Haweeneydan oo degan dalka Finland oo dadka qaarkii ay ku tilmaamaan madaxweynaha Baraha Bulshada ayaa wareysi ay siisay IBtimes UK waxay ku sheegtay inay rajeyneyso inay wadahadal la furto kooxda Alshabaab, taasina aysan micnaheedu ahayn inay jeceshay, laakiin shaqaaqada aanay waxba lagu gaareynin.
Waxay intaas ku dartay inay dooneyso inay meesha ka saarto isir sifeynta iyo beelaha la heyb sooco ee beelaha waaweyn ay u awood sheegtaan.
Faaduma Dayib oo ah hooyo leh afar caruur ah, waxay ka qaxday Soomaaliya dagaaladii sokeeye, iyadoo qaxooti ku noqotay xeryaha Kenya, kadibna ay gashay Finland, waxayna sanadkii 2014 shaacisay inay tahay musharax madaxweyne.
SIXITAAN: Faaduma Dayib waxaa loogu yeeraa inay tahay haweeneydii ugu horeysay ee isu sharaxda jagada madaxweynaha Soomaaliya, taasoo arrin xaqiiqada ka fog, iyadoo la ogyahay in doorashadii 2004 ee Mbaghati ay isku sharxeen haween dhowr ah oo ay markii dambe loolantay Caasha Axmed Cabdalla.
Goobjooge.com