Friday, June 27, 2025

“Musharax Farmaajo wuxuu bil dhan raadinayaa Madaxii ololaha Doorashadiisa si uu Ra’iisul wasaare uga dhigo”

La-taliyihii hore ee dhinaca Amniga Qaranka Madaxweyne Farmaajo, ahna madaxa Hay’ada Cilmi baarista Hiraal ayaa sheegay inuu Musharax Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo raadinayo ninkii madax ka noqon lahaa ololihiisa Doorashada, halka laga sugayo inuu soo magacaabo Ra’iisal wasaare.

Xuseen Macalin Maxamuud ayaa qoraal aan caadi ahayn ku weerarray madaxweyne Farmaajo oo uu muddo lix bilood ah la-taliye u ahaa, wuxuuna qoraalkiisa ku yiri: “Madaxwayne musharax Madaxweyne Farmaajo wuxuu bil dhan raadiaayaa maamulaha ololihiisa Doorashada ee uu title-ka Raiisul-Wasaare u huwin lahaa”.

Wuxuu kaloo qoraalkiisa kula taliyey musharixiinta raadineysa xilka Ra’iisal wasaarahainay CV-yadooda ku balbalaariyaan howlaha olole siyaasadeedka ay hore ugu soo guulaysateen, si xilka ay ugu qalmaan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa si weyn u daahiyey magacaabista Ra’iisal wasaaraha cusub, marka loo eego xaaladda dalka ee kala guurka ah, waxaana uu hadda dalku yahay Ra’iisal wasaare la’aan 29 maalmood.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON