Wednesday, June 25, 2025

Musharax Mukhtaar Roobow oo Eedeyn u jeediyay Shariif Xasan, kana dalbaday 3 Qodob [Akhriso]

Musharaxa Madaxweynaha maamulak K/Galbeed ee Soomaaliya Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) ayaa ku eedeeyay maamulka K/Galbeed ee uu hoggaamiyo Shariif Xasan inaysan weli sameyn Guddigii Doorashada madaxweynaha.

Isagoo ka hadlayey kulan dhex maray qaar ka mida xildhibaanada maamulka Koonfur Galbeed ayuu Sheekh Roobow sheegay in Guddiga Doorashada ay Dastuuroi tahay in la magacaabo laba bilood ka hor doorashada, taasoo aan weli dhicin.

Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa ka dalbay maamulka Shariif Xasan dalbaday Qodobadda ay ka mid yihiin:

1- In la sameeyo Guddiga Doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbee

2- In Guddiga uu noqdo mid ay raali ka wada yihiin musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha K/Galbeed.

3- In Guddigii Doorashada ee K/Galbeed la hor geeyo Baarlamaanka.

Wuxuu soo jeediyay in Guddiga doorashada degdeg loo sameeyo, isla markaana uu noqdo Guddi ka shaqeeya danta Koonfur Galbeed ee aan fulin dan u gaara.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON