Friday, June 27, 2025

Musharax Prof. Jawaari oo qaaday tallaabo ka hormarisay musharixiinta kale [Deeq Lacageed]

Musharixii ugu horeeyay ayaa lacag deeq ah gaarsiyay Guddiga Abaaraha, iyadoo uu qaaday tallaabo ku dayasho mudan.

Xubno ka socda Guddiga Gurnadka Abaaraha ee Qaranka ayaa maanta la kulmay Musharaxa guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Jawaari iyadoo ay ka wadahadleen xaaladda abaaraha dalka.

Prof. Jawaari ayaa Guddiga ku wareejiyay Jeeg ay ku qoran tahay lacag dhan $10,000 (Toban Kun oo Dollar). isagoo sheegay inuu ku tabarucayo dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu halakeeyeen.

Tallaabada uu qaaday Musharax Prof. Jawaari ayaa ah tii ugu horeysay ee musharixiinta u sharxdan xilalka sare ee dowladda Soomaaliya, waxaana la sugayaa musharixiinta kale inay ku dayan doonaan iyo in kale.

Guddiga Abaaraha ayaa ayaa uga mahad celiye Jawaari sadaqada uu la baxay, waxayna ku booriyeen musharixiinta kale inay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON