Musharax culus oo u tartamaya kursiga xildhibaannimo ee madaxweyne Xasan Sheekh ku soo galay Baarlamaanka ayaa maanta tegay magaalada Cadaado.
Waxaa maanta magaalada Cadaado ee xarunta kmg maamulka Galmudug si diiran loogu soo dhoweeyay musharaxa xildhibaan Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo u tartamaya aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.
Eng. Cabdullaahi oo magaalada Muqdisho kasoo kicitamay ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Cadaado kusoo dhoweeyay qeybaha kala duwan ee bulshada rayidka, maamulka gobolka, kan degmada xildhibaano ka tirsan Galmudug iyo siyaasiyiin, kooxaha dhalinyarada oo ku labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka.
Wafdiga musharax Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo loo soo galbiyay magaalada Cadaado ayaa waxaa uu dadkii soo dhoweeyay uu kula hadlay xaflad soo dhoweyn aheyd loo sameeyay musharaxa, wuxuuna ugu mahad celiyay soo dhoweyntii ballaarneyd ee loo sameeyay, isagoo sharaxaad ka bixiyay ujeedada ku dhalisay sababta uu isu sharxay iyo waxa uu qaban doono marka uu guuleysto.
Eng. Cabdullaahi ayaa sheegay in sababta ku kaliftay inuu isu soo taago xubin ka tirsan aqalka hoose ee baarlamaanka in dadka Soomaaliyeed ugu faa’iideeyo aqoontiisa iyo kartida uu u leeyahay maamulka iyo maareynta, maadaama buu yiri 25 sano ka badan aan dhinaca samafalka iyo gargaarka ugu shaqeynayay dadka, haddana uu dhinaca siyaasadda ugu shaqeeyo.
“Niyadeyda ma ahan inaan dhaqaale ka tabco, laakiin ujeedadeyda waxay tahay inaan dadka iyo dalka ugu shaqeeyo si caddaaladi ay ku jirto iyo inaan ka shaqeeyo midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed” ayuu yiri Eng. Cabdullaahi Cali Xasan oo intaa raaciyay in “biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa” taasoo uu ula jeeday in dadka Soomaaliyeed isku tashadaan”.
Musharax En. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa sidoo kale, ka hadlay colaada magaalada Gaalkacyo, isagoo ugu baaqay maamulada Puntland iyo Galmudug in nabad lagu dhameeyo dagaalada mudada soo socday, miiska wada hadalkana lagu xaliyo wax kasta oo la kala tabanayo.
Sidoo kale, musharaxa ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka qeyb qaataan sidii loogu gurman lahaa dadka abaaraha aafeeyeen ee gobolada Waqooyi Galbeed iyo qeybo ka mid ah gobolada dalka, wuxuuna ka codsaday Soomaalida in ay isu naxariistaan una istaagaan sidii dadkaasi Soomaaliyeed dhibaatada looga bixin lahaa.
Eng. Cabdullaahi Cali Xasan ayaa waxaa lagu xusuustaa inuu mudo 30 sano ka badan uu kasoo shaqeynayay arrimaha bulshada rayidka iyo samafalka isagoo wax muuqda ka soo qabtay degaanada bulshada Soomaaliyeed ee xagga waxbarashada, biyaha, beeraha, shaqo abuurka, gargaarka deg degga ah, horumarka haweenka, dhallinyarada iyo dadka taagta daran.
DAAWO SAWIRRO