Thursday, June 26, 2025

Mushariixinta Madaxweynaha Puntland oo ku biiray Abaabulka dagaal ee ka socda Aagga Tukaraq ee Gobolka Sool

Musharixiin u taagan xilka madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa qeyb ka noqday abaabulka dagaal ee ka socda degaanka Tukaraq ee ay isku heystaan Maamullada Puntland iyo Puntland.

Ciidamo gurmad ah, saraakiil iyo mas’uuliyiinta maamulka labada dhinac ayaa ku ku quleylaya degaanadau dhow Degaanka Tukaraq ee gobolka Sool, waxaana lagu arkay musharixiin lebisan dareyska milateriga oo goobtaasi gaaray.

Khaliif Ciise Mudan oo ka mid ah Musharixiinta Madaxweynaha Puntland ayaa ka miad musahrixiinta tegay degaanka Tukaraq, isagoo lagu arkay aaggga howlgalada Ciidamada Puntland ka wadaan Tukaraq oo la sheegay inuu xalay ku hoyday.

Waxaa kaloo wararku sheegayaan in musharixiin uu ka mid yahay Jeneraal Maxamed Siciid Xeris (Morgan) uu isna ku sii jeedo aaggaasi, kaasoo macne gaara u leh Somaliland, isla markaana taariikh hore lagu eedeeyo iyo xasuuq uu ka geystay Somaliland.

Xiisada dagaal ee labada dhinac ayaa u muuqata inay sii kordheyso iyadoo labada maamul ay ku jiraan diyaar garow dagaal.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON