Sunday, June 22, 2025

Mustafe Cagjar oo mar kale loo doortay Madaxweynaha Is-maamulka Somalida Itoobiya

Madaxweynaha Maamulka Somali State ee Itoobiya Mustafe Muxummed Cumar ayaa mar kale loo doortay xilkaasi, iyadoo maanta la dhaariyay.

Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaalida Mustafe Muxummed Cumar (Cagjar) ayey mar kale xilka si aqlabiyad ah ugu doorteen Golaha Baarlamaanka Soomaalida, wuxuuna maamulkaasi hoggaamin doonaa 5-ta sano ee soo socota.

Madaxda Xisbiga ku guuleystay doorashadii Itoobiya iyo degaanka Soomaalida Inj. Maxamed Shaalle Isaaq ayaa golaha Baarlamaanka Dowlad Degaanka Soomaalida usoo jeediyay in madaxweyne Cagjar uu noqdo madaxweyne, waxayna xildhibaannada Baarlamaanka u meel-mariyeen si guud ahaan ah oo aan kala har lahayn.

Ad

Sidoo kale Madaxweyeyne Mustafe ayaa soo jeediyay in madaxweyne-ku-xigeenka Deegaanku uu noqdo Ibraahim Cusmaan Faarax. Golaha xildhibaanada ayaa talo soo jeedinta madaxweynaha ku qancay, iyagoo ansixiyay madaxweyne-ku-xigenka Deegaanka, kadibna waxaa lagu dhaariyay xilka mudane Ibraahim Cusmaan Faarax.

Mustafe Cagjar ayaa la sheegay inuu isbadel horumarineed ka hirgeliyey maamulka Soomaalida Itoobiya 3-dii sano ee la soo dhaafay.

May be an image of 2 people, people standing and indoor
May be an image of 2 people and people standing
May be an image of one or more people and indoor
Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON