Sunday, June 22, 2025

Muungaab oo shaaciyay inay soo saarayaan tirakoobka dadka Gobolka Banaadir

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xusen “Muungaab” oo markii labaad muddo laba maalmood gudahood ah ka hadlay arrinta tirakoobka ay dhowaan shaacisay wasaaradda qorsheynta dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay  in maamulkiisa uu dhowaan soo saari doono tirada rasmiga ah ee dadka ku nool magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

MUNGAB

Wuxuu Mudane Muungaab ku dooday in tirada dadka Muqdisho ay sii kordheyso in maalinba maalinta ka dambeysa, isla markaana tirada lagu sheegay tirakoobka wasaaradda qorsheynta uu yahay mid mala-awaal ah.

Ad

“Dadka rasmiga ah ee ku nool gobolka Banaadir wuxuu ahaa Laba milyan iyo lix boqol sanad ka hor, tiradaasina wey sii korartay marka waxaan idin sheegaayaa tira-koobka rasmiga ah anagaa soo saari doona”. auuu yiri Muungaab oo intaas ku daray in  qof satelite saaran aanay waxba ka ogaan karin tirakoobka dadka Muqdisho.

Hadalkan wuxuu ka sheegay guddoomihyaha Gobolka Banaadir xilli tegay dhul banaan oo loogu talagalay in laga hirgaliyo  suuq cusub oo ay ku ganacsadaan dadka danta yar  ee ku nool degmada Yaaqshiid gaar ahaan waaxda Towfiiq.

Maamulada Puntland, Jubba, Gobolada Banadir iyo Sh/dhexe ayaa dhammaantood ku gacan seyray tirakoobka cusub ee wasaaradda qorsheynta iyo hay’adda UNFPA soo saareen dhowaan iyadoo maamulka K/Galbeed uu isna dhinaciisa shaaciyay inuu ka horjeedo tira-koobkaasi iyadoo cid waliba ay sheeganeyso inay ka tiro badan tahay inta ku qoran tirakoobkani.

- Advertisement -

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON