Thursday, July 17, 2025

MUUNGAAB: ” Wasiirka Amniga wuxuu ku kacay qiyaano Qaran, sharciga ayaana la tiigsaneynaa”

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa bilaabay olole shaqo oo uu isku muujinayo xilli qorshaha xil-ka-qaadistiisa ay miiska saaran tahay, waxaana dhowaan uu ku hanjabay inuu furi doono wadooyinka ay xirteen Hay’adaha UN-ka, hoteelada iyo madaxda dowladda.

Muungaab ayaa maanta joojiyay howl ka socotay wadada tagta garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dad gaar ah ay doonayeen inay laamiga ku qodaan, isagoo mara ku bixiyay in howshaasi la joojiyo balse, muddo kadib ayaa amarkiisii la jebiyay iyadoo loo sheegay inay ogolaansho ka heystaan wasiirka amniga dowlada Federaalka C/risaaaq Cumar Maxmaed.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir  oo uu la socdo xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa si wadajir shir jaraa’id ugu qabtay afka hore Xarunta UN-ka ee Magaaladda Muqdisho halkaas oo ay ka joojiyeen burburin lagu hayay laamiga isku xira Airoboorka Aaden Cadde iyo Km4 oo ay dhigteen dhagxaan waaweyn.

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir General Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wuxuuna si caro ku jirto uga hadlay arrintan wuxuuna sheegay  in  gobolka Banaadir uu diiday ogolaansho burburin laami, kadibna ay warqad kala yimaadeen Wasaaradda Amniga. “Wasiirka Amnigu xaq uma laha inuu fasaxo wado la xirayo oo la burburinayo,  waana sharci darro waxa uu maanta sameeyay, damiirkeena ma ogolaan karo in wadooyinkii ay noo dhiseen walaalaha Turkiga maanta Garweyn lala dhaco waa Qiyaano Qaran Wasiirka Amnigana  sharciga ayaan la tiigsaneynaa” ayuu yiriMuungaab oo uu dhinac taagnaa xeer ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.

Xeer Ilaaliyaha Qaranka  Dr. Axmed Cali Daahir  ayaa ayiday warka duqa magaalada, wuxuuna sheegayna in ciddii amartay iyo cidii burburisay ay tahay dembiile baabi’yay hanti Qaran sharcigana la gor geyn doono.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON