Booliiska dalka Canada ayaa sheegay inay eedo dhinaca argagixisada ah kusoo oogi doonaan nin Soomaali ah oo waddankaasi qaxooti ku ahaa, kaasoo baabuur jiirsiiyey dhowr qof oo uu ku jiro sarkaal booliis ah.
Soomaaligan ayaa loo xiray weeraradii ka dhacay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, halkaasi oo shan qof lagu dhaawacay, waana 30 sano jir lagu magacaabo C/llaahi Xasan Shariif.

Warbaahinta Canada ayaa faafisay muuqaalka iyo magaca ninkan oo baaritaan ku socdo kadib markii Booliska Canada uu soo saaray muuqaalka ninkan.
Kooxda Daacish ayaa sheegay inuu ka tirsan Soomaaliga weerarka ka geystay magaalada Edmonton, ee gobolka Alberta, dalka Canada.