Muuqaalka C/kariin Qalbidhagax ee ay Dalsoor baahisay wuxuu caddeyn kale u yahay inuu ahaa qof lagu xadgudbay oo lugaha ka silsiladeysan.
Waxaana Muuqaalkan looga duubay markii la qabtay. Sida muuqata wuxuu isku dayay Kooxda haysay inaysan aqoonsan. Wuxuuna u sheegtay Magac aan ahayn kiisa, bal si uu uga badbaado.
Kooxdan markaas waraysanaysa wey u xaqiiqsaneyd inu yahay qofkii Itoobiya u dirtay. Qalbidhagax waxa uu Magaciisa ku sheegayaa C/laahi Bashiir Axmad, sidoo kalena wuxuu sheegtay inuu yahay Nin Caan ah oo Magaaladda laga yaqaano.
Muuqaalka waxaa laga reebay qeybo badan oo wax badan kashifi lahaa, waxaana la sugayaa muuqaalo kale oo xaqiiqada ninkan ku saabsan.