Thursday, July 31, 2025

Muwaadin Soomaali ah oo Dalka Kaambodiya ku go’doonsan 18 sano!! [AKHRI QISADA OO CAAWI]

Abdulkadir Dahir Muse Waa Muwaadin Soomaaliyeed, waxana uu kunoolyahay Wadanka Cambodia oo dhaca koonfur Bari Asia. Abdulkadir waa oday da’diisu tahay 55 sano jir.

Waxaan kula kulmay Magaalada Phnom Pehn oo ah caasimadda Cambodia anagoo si lama filaan ah isaga soo horbaxnay meel suuq ah oo ah bartamaha magaaladaasi Phnom Pehn. Waxay ila ahayd yaab inaan qof Soomaaliyeed oo kudhexnool wadan kani kudhex arko.

Abdulkadir oo ay kamuuqatay duruuf aad uqalafsan oo nololeed oo run ahaantii murugo kugelinaysa markaad aragto ayay iisuura gashay inaan bal waraysto oo xaaladdiisa wax ka ogaado. Runtii intii aanu sheekaysanayney Abdulkadir waxay ii ahayd saacado murugo badan sababtoo ah waxyaalaha uu iiga sheekeeyey waxay ahaayeen dhibaatooyin ka turjumaya sida uu qarankii sooomaaliyeed u burburay oo umaddiisii ay u kala bayhooftay.

Abdulkadir, sida uu iigu waramay wuxuu wadankanii kasoobaxay dhamaadkii sanadkii 1998 isagoo xiligaasi kasoo ambabaxay magaala xeebeedka Kismaayo ee xarunta Jubada hoose wuxuuna sida uu ii sheegay kasoo cararay dagaaladii Kaholcayey wadanka gudihiisa. Abdulkadir wuxuu xilligaasi go’aansaday inuu u cararo meel uu isna amaan ka helayo shaqo iyo mustaqbal fiicanna uu kahelayo si uu u caawiyo ciyaalkiisa iyo reerkiisa waasida uu isagu iigu waramaye.

Waxa uu kismaayo kasooraacay markab nooca jiriifka ah oo ka kaluumaysanayey xeebaha gobolka jubada hoose. Markabkaasi wuxuu ahaa markab laga leeyahay wadanka Jamhuuriyadda dadka ee China. Waxay shaqaalihii Markabkaasi usheegeen inay geyndoonaan Wadanka Japan ama South Korea iyagoo ka qaatay lacag gaadhaysa laba kun oo doolar ($2000) oo ahayd lacag ay qaraabadiisu usoo uruuriyeen.

Abdulkadir oo sida uu sheegay muddo dheer badda kujiray markabkuu saarnaana ay dhibaato kaga dhacday maadaama ay muddo sanad iyo dheeraad ah kushaqaysanayeen qolyaha markabkaasi watay oo ahaa jiriiflayaal waxay ugu dambayntii kusootuureen xeebta magaalo layidhaaho Sihanoukville oo kutaalada dhinaca koonfur galbeed ee wadanka Cambodia dhacdana dhinaca gacanka Thailand.

Sida uu iigu waramay Abdulkadir waxa ay usheegeen Nimankii watay Markabku inay tahay meesha ay kudajiyeen wadanka Japan. Hayeeshee uu kuwar helay in meeshu ay tahay wadankale oo aan ahayn wadankuu kusocday ee Japan balse ay tahay meeshu Cambodia. Waxaana halkaasi kuxiray Police ka boqortooyada Cambodia oo markii dambe usii dhaadhiciyey caasimadda wadanka ee Phnom Pehn halkaas oo muddo kadib ay siidaayeen oo isaga oo aan wax lacag iyo kharash haysani uu muddo kunoolaa daafaha magaalada.

Abdulkadir oo xilligan umuuqda inuu yahay qof ay waxyeelo dhinaca maskaxda iyo mooralka ba ahi ay kureebtay rafaadka iyo silica uu lakulmay intii uu kunoolaa wadankani wuxuu iisheegay abaaro 2001 inuu tegey xarun ay hay’adda UNHCR kuleedahay wadanka Cambodia halkaasoo loogu aqoon saday inuu yahay qaxooti xoogaa lacag ah oo aan nolol ahaan kufilnayna ay siin jireen.

Cqaadir Daahir2

Sida uu iisheegay Abdulkadir muddo gaaban kadib hay’addii UNHCR waa ay kaguurtay wadanka iyada oo uu halkaas kunoqday qof aan meelna waxba kasoogelin wadankana aan kashaqaysankarin maadaama ay mamnuuckatahay inuu kashaqeeyo lana xirayo haddii uu isku dayo.

Waxaa iyana naxdin iyo oohin igelisay in Abdulkadir iisheegay inuusan garanayn meel uu kusheego ciyaal uudhalay oo labo ah oo ay uugu war dambaysey xilligii uu kasoo baxay Somalia. Sidookale aysan ismaqlin Qarabadii iyo eheladii kale isagoo aan sidookale lahayn wax isgaarsiin ah ama telephone ay kawada xiriiri karaan qaraabadiisii iyo ubadkiisii.

Abdulkadir oo run ahaantii aad u dactaraysan wuxuu i tusay dhibaatooyin loogaystay oo jirdil ah oo ay ugeysteen ciidamada police ka wadankani iyo dad kale oo udhashay wadankani, isagoo sidookale iisheegay in aad loocunsuriyo sababtoo ah waaxaan ahay buuyidhi qof madow sidaas daraadeed baana la ii midab takooraa ayuu iyidhi Abdulkadir oo ay ilmo indhihiisa ka qubanaysey taasoo aniga shaqsi ahaan taydana iga oohisey. Abdulkadir waxa uu sidookale iisheegay in hadda kahor ay sumeeyeen niman Masaari ah oo ay sun cunto uugu dareen taasoo uu iisheegay in uu muddo kajiranaa xiniinyaha. Sababta ay usumeeyeen masaaridaasi ilaa hadda magaranayo.

Sidoo kale Abdulkadir waxa uu iisheegay in sanado hore ay hay’adda UNHCR ay dibu dajin kasiin lahayd wadanka Canada hayeeshee uu kiiskiisii gubtay sababta oo ah buuyidhi waxaa i dacweeyey oo iga hor istaagey qof haweeney ah oo Islam ah oo wadankan kunoolayd una dhalatay wadanka Vietnam iyadoo samaysay buuyidhi mu’aamaraad been ah oo ah inaan xoogay. Taasina waxay sababtay inaanan hay’adna wax iiqaban wadanka gudihiisana aanan ka bixinkarin oo aan kujiro buuyidhi “Blacklist” .

Abdulkadir oo ah muwaadin Somaliyeed waa muwaadinka keliya ee somaliyeed oo kunool wadankani si rasmi ah waana muwaadin aad uugu dayacan wadankan wuxuu seexdaa meel aad udayacan oo kiro ah iyadoo hay’ada IOM ay kabixiso kirada buushkaasi uu kunoolyahay oo qiimaha kirada uu iigu sheegay $40, halka ay biil ahaana u siiyaan $40 oo runtii wadankan oo noloshiisu qaali tahay aadan kunoolaan karayn 5 casho oo keliya.

Ugu dambayntii waxaan article kan ama qoraalkan uugu daabacay wall kayga in loo gurmado muwaadinkan Somaliyeed oo ciddii qaraabadiisa garanaysa ay raadiyaan loona naadiyo ehelkiisii iyo ciyaalkiisii oo uusan arag muddo 16 sano kabadan. Waxaan sidookale umadda Somaliyeed ka codsanayaa in walaalkeen Abdulkadir loo gargaaro oo dhibaatada uu ku jiro looga caawiyo iyadoo ciddii ehelkiisii garanaysa ama cid taqaana garanaysa ay deg deg uula xiriiraan.

Abdulkadir Waxa uu hadda umuuqdaa qof aad uxanuunsan dhinaca moralka isagoo sidoo kale welwel baqdin ahi ay kujirto taasoo ay sabab u atahy aniga fekreddayda moralka ka jabay iyo rafaadka uu kujiray mudadda dheer. Aniga oo safar Gaaban ku joogay wadankan dhowaana kalaaban doona haddii ilaahay yidhaaho waxaan iskudeyeyaa inaan kuxidho ama usahlo ciddii garanaysa ama ilaa hay dartiis u caawinaysa.

Waxaan sidoo kale sawiradiisa ku lifaaqay qoraalkan. Taasi oo sahli doonta in ciddii garanaysaa ay aqoonsato. Ciddii ehel ah ama taqaan Abdulkadir iyo qoyskiisa fadlan waxay kala soo xiriiri karaan Number kan hoos ku qoran ama bartan facebook ga bay fariin iigu reebi karaan.

Ciddii garanaysa ama caawinaysa waxay kala sooxiriiri karaan telephone Number kan : +85587941383

Magaciisa oo saddexan waa” Abdulkadir Dahir Musse, wuxuuna sida uu iisheegay kasoo jeedaa Gobolka Nugaal ee waqooyi bari Somalia.

Prince Remo Mahdi

Mohamoud Mohamed Salad

Adam Hassan Faisal

Roble Maxamed Abdirahman

Ismacil Hodan Nalayeh

Ismael Gaani Mohamud

Mohamed Hassan

Amina Ladan Axmed

Waxaa la kulmey C/fitaax Maxamed Muuse

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON