Wednesday, June 25, 2025

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu hormaray Garowe? (Khilaaf adag ka taagan maamulka G/dhexe)

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa socdaal muddo 24 saacadood ah laga hormariyay waqtigiisii ku tegay magaalada Garowe ee xarunta Puntland halkaas oo ay shir ku yeelanayaan madaxweynayaasha maamulada dalka iyo madaxweynaha dowladda Federaalka.

Sababta ugu weyn ee madaxweyne Xasan Sheekh ugu hormaray Garowe ayaa ahayd xalinta khilaaf adag oo ka dhex jira dowladda Federalka iyo Puntland sida ay Goobjooge.com u sheegeen xubno wafdiga madaxweynaha ka mida, waxaana khilaafkaasi uu ka sii daray intii uu furmay shirka maamul u samaynta Gobollada dhexe ee Cadaado.

hassan

[ad name=”HTML-1″]

Madaxweynaha Puntland ayaa u arka maamulka gobollada dhexe inuu halis ku yahay dowladiisa goboleed, isagoo heshiisyo badan arrintaasi kala galay dowladda federaalka, waxaana Puntland ay damaanad cad ka dooneysaa dowladda federaalka inuusan maamulkaasi gobollada dhexe wax saameyn ah ku yeelan doonin degaanada hadda ka taliso Puntland.

Wadadhallo xalay ilaa maanta dhex maray Xasan Sheekh iyo C/weli Gaas ayaa la sheegay in horumar yar laga gaaray, waxaase xaalada sii qarxiyay odayaasha dhaqanka Cadaado fadhiya oo kala diray Guddigii Farsamada ee dowladdu magacawday, waxayna ujeedkooda ugu weyni yahay in lagu soo daro Mudugta ah ka taliso Puntland.

Goobjooge.com

 

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON