Thursday, June 26, 2025

Muxuu Obama u diiday ka qeybgalka Aaska Maxamed Cali Kalaay? [Akhri Sababta]

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la xaqiijiyay inuusan ka qeybgeli doonin aaska Caalamiga ah ee loo sameynayo Feeryahankii caanka ahaa ee dalkaasi Maxamed Cali oo Jimcaha ka dhacaya magaalada Louisville ee dalka Mareykanka.

Sababta keentay  baaqashada Obama uu ka baaqsaday aaska Maxamed Cali ayaa la sheegay inay tahay iyadoo xilligaasi ay kusoo beegantay xaflad qalin jebin ah oo gabadhiisa Malia oo ka qalin jebineysa Dugsiga sare ee Sidwell Freinds magaalada Washington.

Madaxweyne Obama ayaa la sheegay  inuu telefoon kula hadlay xaaska Maxamed Cali oo lagu magacaabo Lonnie, wuxuuna u diri doonaa aaska iyo tacsida la-taliyihiisa sare ee Valerie Jarrett oo goobta ka akhrin doonta farriinta tacsiyeed ee Obama.

Dad badan ayaa ka qeyb geli doona aaska Feeryahanka, waxaana durba la dhameystay ilaa 10,000 tikidh oo xafladda aaska looga qeyb galayo.

Taageerayaal saf ugu jira inay helaan tikidhka aaska Maxamed Cali

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON