Wakiilada Beesha caalamka ayaa xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaliya xilligan kulan kula leh Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, iyadoo aanu ka mid ahayn Safiirka Mareykanka ee Soomaalya Donald Yamamoto.
Wakiilada Beesha Caalamka ayaa Madaxweyne Farmaajo kala hadlaya Arrinta khilaafka ka taagan yahay ee Doorashada iyo sidii loo qaban lahaa kulan degdeg ah oo isugu yimaadaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada dalka, sida lagu sheegay War-saxaafadeedkoodii shalay iyo baaqii kasoo baxay Safaaradda Mareykanka. (Akhriso)
Safiirka saameynta badan leh ee Donald Yamamato ayaan ka mid ahayn wakiilada Beesha Caalamka ee tegay Villa Somalia, taasoo ay ugu wacan tahay iyadoo Safiirka iyo Madaxda Mareykanka ee Muqdisho timaada aan loo ogoleyn inay ka baxaan xeyndaabka Garoonka Muqdisho arrimo amni oo u gaara Mareykanka dartood.
Madaxda Soomaalida iyo kuwa Mareykanka oo uu ka mid yahay madaxweyne Farmaajo ayaa kulamadooda ka dhacaan xarunta safaaradda Mareykanka ee gudaha xalane ama qeybta martida ee Garoonka Muqdisho, iyadoo marar badan Madaxweyne Farmaajo uu halkaasi kula kulmay safiirka iyo wafdiyo Mareykan ah oo dalka yimid.
