Guddiga Wadajirka ah ee labad aqal ee Baarlamaanka Federaalka u xil saaray diyaarinta Xeerarka Dhammeystirka Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa shaaciyey inuu hakiyey Shaqadii uu waday.
Guddiga ayaa war uu soo saaray ku sheegay inay shaqadooda u hakiyeen sababo la xiriira cudarka Coronovirus, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow oo caddeeyay in shaqadii Guddiga loo hakiyey cabsi laga qabo cudurka Coronavirus.
Guddigan ayaa la magacaabay 1-da bishii Maarso, waxaana loo xil saaray inay soo diyaariyaan afar xeer oo dhammeystir u ah sharciga Doorashada dalka, laakiin waxay ilaa iminka qabteen kulamo ay la yeesheen Guddiga Doorashooyinka, Wakiilka Q/Midoobay iyo Safiirka UK ee Somalia.
Arrintan ayaa dib u dhac u keeneysa Sharciga Doorashada ee hore loo ansixiyey oo su’aalo badan ka yimaadeen qodobadda qaarkood, waxaana sii yaraanaya waqtiga lagu qaban karo doorashada oo ay hadda hareysay hadal heyn ku saabsan in dib loo dhigo iyo in kale.