Wednesday, June 25, 2025

Muxuu Xasan Sheekh ku bedeshay inuu ka qeyb galo caleemo saarka Axmed Madoobe..?

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la sheegay inuu ka qeybgeli doono caleemo saarka Axmed Madoobe oo doorasho muran ka taagan yahay 15-kii Ogost loogu doortay xilka madaxweynaha Juba.
Xasan-Sheekh-iyo-Axmed-Madoobe

Sida laga helayo mas’uuliyiin ku dhowdhow Axmed Madoobe waxaa kulankii dhowaan Kismaayo ku dhex maray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe looga hadlay arrintan iyadoo Axmed Madoobe si weyn u doonayay in caleemo saarkiisa ay ka qeyb galaan madaxda sare ee dowladda si sharciyad uu uga helo mar haddii ay tegi waayeen doorashadiisa.

Axmed Madoobe ayaa loo balan qaaday in Madaxweyne Xasan Sheekh ama Ra’iisal wasaaraha ay caleemo saarkiisa ka qeyb geli doonaan haddii uu ka qeyb qaato in xildhibaanada Beesha Ogaadeen ee saxiixay mooshinka Madaxweynaha ay ka baxaan mooshinkaasi kana qeyb qaataan fashilintiisa, arrintaas oo Axmed Madoobe balan qaaday isla markaana fuliyay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON