Monday, July 14, 2025

Nabad-doon Caan ah oo lagu dilay magaalada Kismaayo

Wararka laga helayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose  iyo maamulka Jubba ayaa sheegaya in dabley Hubeysan ay gudaha Magaalada ku dishay Nabadoon Caan ka ah  degaanka Kismaayo, kana mida odayaasha dhaqanka ee wax ka dhisay maamulka KMG ah ee Jubba kaasoo lagu magacaabi jiray Allaha u Naxariistee Maxamuud Xasan Dhogar.

kismayo

Dilka nabad-doonka ayaa la sheegay inay ka danbeeyeen laba  nin oo dhalinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxayna toogteen xilli uu ku sugnaa goob maqaaxi ah. isla markii toogashadu dhacay ayna hubsadeen inay dileen ayaa la sheegay inay goobta ka baxsadeen dableydaasi.

Ciidamada maamulka Jubba oo goobta yimid muddo kadib ayaan ku guuleysan inay helaan kuwii ka danbeeyay  dilkaasi, wuxuuna falkan ka mid yahay falal soo noqnoqday  oo ka dhaca Magaalada Kismaayo, mararka qaarkood dilalka magaalada waxaa lagu eedeeyaa maamulka Axmed Madoobe iyadoo kuwo kalena ay sheegtaan kooxda Alshabaab.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON