Caawa maqribnimadii ayaa la sheegay in niman ku hubeysan Bistoolado ay degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir ku toogteen Nabadoon Isaaq Madaxey oo ka mid ahaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya.
Weerarka Nabadoonka ayaa ka dhacay Dabakaayo Madow, waxaana lagu furay rasaas laba jiho ay isagoo kadib ay ka baxsadeen goobta ragii weerarka soo qaaday. Nabadoonka oo dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina oo la sheegay inuu markii dambe uu ku dhintay.
Waxaa degmada Wadajir saaka lagu dilay Dr. Liibaan Cismaan Cilmi oo uu adeer u yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo nin kale oo la socday laguna magacaabi jiray C/qaadir Maxamed Yabarow oo ka tirsanaa Shaqaalaha Wasaaradda Cadaaladda Somaliya.
Labada degmo Wadajir iyo Dharkeynley ayaa lasheegay inay ugu badan yihiin goobaha laga fuliyo dilalka qorsheysan ee ay gaystaan kooxaha hubeysan.
Goobjooge.com