Boqor C/llaahi Geedi Shadoor oo ka mida nabadoonada Soomaaliyeeda ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Madaxtooyada ay ku abuurtay Guddoomiyaha G/Banaadir.
Kulanka xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Cabdilaahi Geedi Shadoor ka sheegay in kulankoodu ku saabsanaa inay dhibsadeen qoraal kasoo baxay G/Banaadir, loogana soo horjeedo cid walba oo dhibsaneysa dhismaha Banaadir, ee rabta dhismo la’aanta gobalka Banaadir.
“Warqadda uu madaxweynuhu soo saaray ee isla xisaabtanka laggu sheegay, waxaad ogtihiin in laggu dhawaaqay in 28ka bishan la qabanaayo shir lagu muujinaayo maqaamka caasimadda, markii hore waxaa uu balanku ahaa 7dii bishaan iyaganaa diiday, haddana waxaan u fahamnay ujeedada warqadaan iney rabaan iney shirka 28ka ku baajiyaan sidaas hadii ay tahay waa karahaasnee hanagala daayo ayaan leenahay”. ayuu yiri.
“Waxaan idiin sheegeynaa ragga madaxdda ah sidda madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha, iyo Taabit waa isla yimaadeen ha isla joogaan, hadii ay suuroobi weyso halkaan dhalahaa la diraa cidaannu yeeli meyso ayuu yiri Ugaas Cabdulaahi Geedi Shadoor.