Nabaddoon caan ah iyo laba wiil oo uu midna uu dhalay, kan kalena uu awoowe u ahaa ayaa xalay lagu dilay xaafadda Dhagaxtuur, ee degmada Afgooye kadib dabley hubeysan ay gurigooda ku weerartay.
Weerarkan ayaa la sheegay inaan la garaneyn cidda ka danbeysay, waxaana nabadoonka lagu sheegay magaciisa Maxamed Feesto, wuxuuna ahaa dallaal weyn oo Suuqa Xoolaha ee Degmada Afgooye, weeerarka ayaa sidoo kale lagu dhaawacay laba qof oo kale.
Dableyda weerarka hoyga Maxamed Feesto ayaa baxsatay falkaasi kadib. Madaxa Arrimaha Bulshada ee Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Cumar Maxamed Cilmi (Cumar Carabey) ayaa sheegay laamaha ammaanku ay ku raad joogaan.
Degmada Afgooye ayaa dhawaan lagu dilay Nabadoon Maxamed Aadan Nuur (Maxamed Carabey), oo ka mid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee degan Degmadaasi. Waxaana dilkan loo aaneynayaa inuu salka ku hayo colaada u dhaxeysa laba beelood.
Goobjooge.com