Wararka laga helayo Gobolka Gedo ayaa sheegaya in halkaasi lagu gowracay nabadoon Caan ka ah Gobolkaasi.
Nabaddoonka oo lagu magacaabo Xuseen Maxamed Faarax (Dhafoor) ayaa lagu dilay Tuulada Maganeey, degmada Luuq ee Gobolka Gedo. Wararka ayaa sheegaya in nabadoonka oo saaka laga qafaashay Luuq ay gowraceen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab.
Nabaddoon Dhafoor oo si weyn looga yiqiin Gobolka Gedo ayaa ka mid ahaa Ergada soo dooratay Xildhibaannada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.
Goobjooge