Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in dabley hubeysan ay nabadoon caan ahaa ku khaarijisay magaalada.
Dilkan ayaa ka dhacay degmada Heliwaa, gaar ahaan masjid u dhow suuqa Heliwaa, waxaana koox bistoolado ku hubeysay ay toogteen Nabadoon Nuur Afey oo hore uga tirsanaa ciidamada Booliska dalka, balse xilliyadii danbe ahaa nabadoon degaankaasi caan ka ah.
Dableyda falka geystay ayaa ka baxsatay goobta, waxaana markaas kadib tegay ciidamada ammaanka oo baaritaan ay sameeyeen aan cidna u qaban falkaasi dilka ah.
Dilalka lagu khaarijiyo waxgaradka iyo mas’uuliyiinta dowladda ayaa inta badan waxaa sheegta kooxda Alshabaab.