Thursday, April 18, 2024

NASASHADA JIMCAHA No.4 (W/Q: Prof. Yaxye Sh. Camir)

A…Nin Imaam ka ahaa Masjid Gaalkacya ku yaal (wixii xumba xaawaa leh miyaa) ayaa waxaa u yimid, Nin Gaal ah, wuxuuna ku yiri: Sheekhow in aan Muslimo ayaan rabaa.

Sheekhii ayaa ku yiri: Hadda Boos kama banaana muslimiinta ee haddii qof naga dhinto ii imaad si booskaas laguugu bedelo.

Laba maalin kadin ayaa haweeneey waayeel aheed dhimatay, ninkii gaalka ahaa ayaa u soo noqday Sheekhii wuxuuna ku yri: Booskaa banan igu bedel.

Ad

Sheekhii ayaa ku yiri: gabar ayaa xalay dhalatay oo booskii gashay ee iska sug. Gaalkiina waa iska tagay.

Xertii la joogtay sheekha ayaa ku tiri: sheekhow maxaad saas u leedahay. sheekhii ayaa ku jawaabay: 40 sanno ayuu tumanayay hadda ayuu rabaa in uu Jannada been been nooga hormaro, annagoo intaas cibaada ku soo jirnay. kkkk…

FG: ((Armeey dhacdaa ….,intaasoow Diaspora ku soo raaxeeysanayay, hadduu rabaa in uu xildhibaannimada beesha nooga hor maro.??)).

- Advertisement -

B….Wiil ka mid ah jiilka reer Facebook ayaa saaxibadii ku yiri: Ka waran haddii Aniga iyo adigu Jaceyl dhab ah aan wada LIKE Gareeyno, shaydaankana aan REMOVE iska dhahno oo guur iyo aqal cusub wada POST gareyno, farxad iyo nolol macaana wada SHARE gareyno, kadibna ubad wanaagsan wada ADD gareyno, noloshana sidaas aan u UPDATE gareyno, si aan nolosheena u SAVE gareeyno, cadawga dhaxdeena soo galena aan BLOCK gareeyno, si uuna wax xun noogu TAG gareeynin.

Luqada Jiilka cusub haddaadan fahmeeyn, waxaa tahay dadkii hore ( Birima tiibo) sida aniga oo kale ee iska raac baska N0.23 ee ugu dambeeya sawirada hoose, si aad u ogaato jiilkii aad isku faca aheeydeen.

Sheeg jiil numbarkaaga, ha xishoon. 1-Shilin. 2-Kumi. 3-Pastadaa. 4-Kaneeca buufis. 5-Ciyaal taraq. 6- Shanfaroodle. 7-Da’dii faynuustaa. 8-Ciyaal baaruud. 9-Baabuur tacliig. 10-Ciyaal gacma ku roor. 11-Baaldigaaga buuxso. 12-Dugsi baadiyo. 13-OHRM. 14-Macsara aa. 15-Goda godleey. 16-Garaan gar. 17-My shoes ahaa. 18-Dhiisha noo cug. 19-Water proof. 20- Minanakaa xaarso. 21-Warafka beerta.22-Jiilkii gacatada( gocoso ahaa). 23- Baska dadweeynaha. Baska 23 iska raac haddii aad intaa ka da’ weyntahay, illeyn jiilka FB ma fahmeyside.

FG: (( Jiilka FB waa jiilka suugaanta soomaalida ee berrito laga sugayo)). Kkkkk.

- Advertisement -


NASASHADA JIMCAHA . No.4

A…Nin Imaam ka ahaa Masjid Gaalkacya ku yaal (wixii xumba xaawaa leh miyaa) ayaa waxaa u…

Posted by Yahya Amir on Thursday, 11 August 2016

Sug , sug…Sheeg Jiil numbarkaaga???.

Qore: Yahya Amir.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON