Gudida doorashooyinka Kenya ayaa sheegtay in ay ku hawlan tahay in ay sida ugu dhakhsaha badan u shaaciso natiijada kama dambaysta ah ee doorashada madaxtinimada ee dalka ka dhacday.
Natiijada hordhaca ah ayaa muujinaysa in uu madaxweynaha xilka haya, Uhuru Kenyatta, kaga adkaaday ninkii la tartamayey ee Rail Odinga codad aad u badan. Laakiin Odinga taageerayaashiisa ayaa iyaguna baahiyey tiro ay iyagu soo saareen taas oo isaga ka dhigaysa in uu isagy yahay madaxweynaha dalkaasi, waxaanay sidoo kale sheegeen in kombuyuutarrada gudida doorashooyinka la jabsaday si isaga codadka looga leexsado.
Hase yeeshee gudida doorashooyinka Kenya ayaa dooddaa mucaaradka ee ah in ay guuleysteen ku tilmaantay mid “sharci darro ah oo aan loo fadhiyin”.
Goob joogayaasha caalamiga ah ayaa iyaguna sheegay in doorashadii guud ee dalka ka dhacday ahayd mid xor ah oo xalaal ah.
Xaaladda ayaa kacsan iyadoo magaalada Nairobi ay maran tahay, dadka Kenya ayaa ka war sugaya waxa ay noqon doono natiijada, iyadoo laga cabsi qabo in rabshado ay ka dhacaan dalkaasi.