Maamulka Gobolka Banaadir, Qeybtiisa Agaasinka Waxbarashada Gobolka ayaa maanta shaaciyay Natiijada imtixaanka Fasalka 8-aad ee sanad Dugsiyeedka 2024/2025.
Imtixaankii Fasalka 8aad ee dugsiyada Gobolka Banaadir waxaaa sanadkaan u fariistay 41,076 arday oo isugu jira Gabdho iyo Wiilal.
Waxaa gudubtay oo natiijo wanaagsan keenay 32,689 arday oo kamid ah ardaydii u fariisatay imtixaanka, halka ay hareen ama natiijadii la rabay aysan la imaan 2,813 arday.
Natiijada Imtixaankan waxaa ka heli katraa link-ga hoose, iyadoo ardaygu halkaas ka raadinayo natiijadiisa, isagoo sadeegsanaya RL Aqoonsigiisa.