Wareysiga Mr. Kay dhageyso
Diblomaasiga ugu sarreeya QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay in Somalia ay kasoo gudbeyso dal guul darreystay, oo ay noqoneyso dal soo kabanaya, isaga oo khudbad u jeediyey kullanka golaha ammaanka QM ee Soomaaliya.
Wuxuu beeniyay inay jirto diyaarad UN-ka leeyahay oo ku dhacday Soomaaliya, kadibna ay baaritaan ku sameeyaan meesha wax ka dhaceen balse aanay jirin wax diyaarad ah oo cid ka maqan iyo diyaarad dhacday midna. Arrintan waxay ka hor imaaneysaa wareysi uu madaxweyne Xasan Sheekh siiyay VOA-da oo ku saabsanaa in dadkii saarnaa diyaaradii ku dhacday duleedka Afgooye ay u gacan galeen Alshabaab.
Kay waxa uu sheegay in is-beddelka Soomaaliya uu yahay mid si wanaagsan u socda, islamarkaana dalka uu ka gudbayo sanado badan oo qalalaase ah. “Ugu dambeyn, Soomaaliya waxa ay wajaheysaa dhibaatooyinka dal isku imanaya, intii ay ka ahaan lahayd dal sii kala dhacaya” ayuu yiri Kay.
Inkasta oo Kay uu iftiimiyey guulihii Soomaaliya ay ku tallaabsatay, haddana waxa uu sheegay in sanadka soo socda uu yahay sanad go’aamin doona mustaqbalka Soomaaliya.
Waxa uu yiri in doorashooyinka dhacaya 2016 ay yihiin kuwo tijaabin doona awoodda dalka Soomaaliya uu u lee yahay inuu sii wado horumarka, waxaana uu ku baaqay in cod bixintu noqoto mid waqtigeeda ku dhacda, lagana qeyb-geliyo dhinacyo ka badan kuwii 2012-ka ka qeyb galay.
Madaxweynaha Sooomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa bishii July u sheegay VOA in dalka uusan awood u lahayn inuu qabto doorasho qof iyo cod ah, sanadka 2016. Isagoo ka hadlaya diiwaanka guulaha Soomaaliya, Kay waxa uu tusaale usoo qaatay shaqada dowaldda Soomaaliya ay dhowr gobol oo dalka ku yaalla isugu geysay maamul goboleedyo.
Waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in muddo saddex sano ah, aan wax maraakiib ganacsi oo waa weyn lagu afduuban xeebaha Soomaaliya.
VOA