Thursday, July 17, 2025

Nin Biritish ah kana tirsanaa Alshabab oo lagu dilay Kenya (Daawo Muuqaalkiisa)

Sida ay shaaciyeen ciidamada Kenya waxaa la aqoonsaday mid kamid ah 11 nin oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo shalay lagu dilay dagaal ka dhacay gobolka Lamu ee dalka Kenya, kadib markii koox uu ka mid ahaa ay weerar ku qaadeen xero milateri.

Thomas-abdikahim

Ninkan oo u  dhashay dalka Ingiriiska waxaa magaciisa lagu sheegay Thomas Evans, wuxuuna qaatay diinta Islaamka qaatey isagoo 19 jira. Sida ay xaqiijisay dowlada Kenya waxaa ninkan uu ku dhintay dagaalkii shalay ee gobolka Lamu ee xeebaha Kenya oo sidoo kale lagu dilay laba askari oo Kenyan ah.

Thomas Evans markii uu islaamay wuxuu  la baxay magaca Abdul Hakim waxaana uu dhashry sanadkii 1991.

Thomas Evans (Cabdixakiim) sawir hore

Thomas Evans (Cabdixakiim) wuxuu  Soomaaliya yimid sanadkii 2011 si uu uga mid noqdo ururka Al-shabaab isagoo xadka Kenya ka gudbay, waxaana la sheegay inta aanu tegin Soomaaliya inuu muddo ku sugnaa dalka Masar isagoo safarkiisa ahaa mid ku saabsan  barashada  afka Carabiga.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee UK ayaa sheegtay inay baareyso warka Kenya ka soo baxay ee geerida  Thomas Evans (Abdixakim).

Ciidamada Kenya ayaa soo bandhigey meydadka 11 nin oo laga diley kooxda al-Shabaab kuwaas oo ay ku jiraan laba nin oo caddaan ah, kuwaasoo xirnaa  dharka tuutaaha, waxaana Kenya sheegtey in laga furtay hub badan iyo waxyaabaha qarxa.

Thomas Evans

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON