Thursday, July 17, 2025

Nin ku eedeysan Dembiyo Dagaal oo Sun ku dhex cabay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka [Sawirro]

Nin horey loogu xukumay dambiyo dagaal oo uu ka geystay Bosnia oo ay ku socotay dhagaysiga dacawd uu rafcaan ka qaatay  ayaa si bareer ah sun ugu dhex cabay maxkamadda dhexdeeda magaalada Hague ee dalka Holland.

Ninkan oo lagu magacaabo Slobodan Praljak ahna 72 sano jir ayaa ka mid ahaa lix hoggaamiyeyaal militari oo denbiyo dagaal ay ku heshay  maxkamadda adduunka, waxaana lagu xukumay 20 sano oo xarig ah sanadkii 2013-kii kadib markii lagu heley in uu dambiyo ka geystey magaalada Mostar.

Mr. Paraljak markii uu maqlay in maxkamadda ay diiday rafcaankiisa ayuu yiri “waxaan cabayaa sun”. wuxuu afka la aadat Galaas ay wax dareere ah ay ku jireen, kadibna uu cabay ka hor intii xaakimka uusan joojin dhagaysiga dacwada, islamarkaasna aanan loo yeerin gaadiidka gargaarka degdega ah.

Slobodan Praljak oo sun cabay

Ninkan ayaa madax ka ahaa ciidammada Boosniyaanka dalka Croatia oo lagu magacaabo HVO, waxaana lagu eedeeyay in uu laayay muslimiin tiro badan sanadkii 1993-dii.

Garsooraha maxkamadda ayaa joojiyey howshii, waxaana loo yeeray gargaarka degdega ah iyadoo la arkayay dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal ku ordaya maxkamadda, iyo diyaarad helikobtar caafimaad oo dul heehaabeysa dhismaha.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Praljak saacad kadib markii arrintaasi dhacday weli lala tacaalayo xaalkiisa oo isbitaalka la dhigay, waxaase lagu dhawaaqay inuu u geeriyooday suntii uu cabay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON