Nin la dhashay orodyahanka reer Caalami ee dalka Ingiriiska Mo Farah oo lagu magacaabo Axmed Faarax ayaa shaaciyay inuu ka cabsi qabo in laga masaafuriyo UK.
Ninkan oo ka yar Mo Farah waa 27 sano jir, waxaana UK la wada geeyay isagoo la socda Mo Farah ahna 2 sano jir, waxaana masaafurinta keentay dembiyo uu hore u galay oo xabsi uu ku mutay.
Axmed ayaa weerar mindiyo loo adeegsaday oo uu hore uga qeyb galay waxaa lagu xukumay 5 sano oo xabsi ah, wuxuuna saxaafadda ingiriiska u sheegay inuu aad uga baqayo in loo celiyo Soomaaliya oo lagu dili karo halkaasi.
Isagoo la hadlayay jariirada Mirror ayaa ku calaancalay: “Uma laaban karo meeshii aan aniga iyo Mo ku dhalanay, waa meel halis ah, waxaan ka baqayaa in la i dilo, waxaan dareemayaa inaysan wax rajo ah jirin halkaasi”.
Wuxuu sii raaciyay: “Wax sal ah kuma lihi Soomaaliya, dadka ayaaba i dilaya, maxaa yeelay waan ka duwanahay”. Waxaana u sii dheer inuusan wax xiriir ah ka dhaxeynin walaalkii Mo Farah isagoo hore u sheegay inuu yahay caasi qoyskiisii gooyay.
Goobjooge.com