Tuesday, June 24, 2025

Muslim kasoo jeeda Pakistan oo noqday Duqa cusub ee Magaalada London

Sadiq Khan oo ka tirsan Xisbiga Shaqaalaha, ahna Muslim soo haajiray oo ka soo jeeda dalka Pakistan ayaa loo doortay duqa caasimadda London, waxaana uu jagadaasi heyn doonaa afarta sano ee soo socota.

Arrintan waxay soo afjartay  8 sano oo xilka duqa London uu hayay xisbiga Muxaafidka ee ka taliya UK. Sadiiq Khan ayaan ka mid ahayn musharraxiinta aadka loo hadal hayay, ee la saadaalinayay inay jagadan ku guuleysan doonaan.

Wuxuu noqonayaa Muslim-kii ugu horreeyay ee qabta xilka duqa London. Sadiiq oo 45 jir ah ka mid ahaa 8 carruur ah oo ay dhaleen qoys kasoo guuray dalka Pakistan. Aabihii waxa uu ahaa darawal Bas, hooyadiina waxa ay ka shaqeyn jirtay harqaan.

Duqa cusub ee London wuxuu ku dadaali jiray sidii uu heer uga gaari lahaa nolosha. Waa garyaqaan ka baxay Kulliyada sharciga ee Jaamacadda North London. Waxa uu leeyahay xaas iyo laba gabdhood.

Duqa London ayaa leh awoodo siyaasadeed oo ballaaran, waxaana dadka qaar ay su’aal gelinayaan in Mr Khan uu howshaasi kasoo bixi karo. Balse waxa uu ku adkeysanayaa inuu matelayo dhammaan dadka London, isla markaana uu wax ka qaban doono sinnaan la’aanta.

Taariikh cusub ayay gashay magaalada London, waxaana warbaahinta caalamka ay si weyn u hadal heysaa arrinta doorashada Sadiiq Khan.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON