Monday, June 23, 2025

Nin uu dhalay ganacsade caan ah oo caawa lagu dhex dilay Masjid ku yaala Muqdisho

Kooxo ku hubeysan Bistooladoo ayaa Caawa geystay fal dil ah oo fool xun kadib markii ay masaajid dhexdiis ku dileen nin ka mid ahaa dadkii salaada u tegay masjidka Ummah ee agagaarka Shineemada Puntland, degmada Heliwaa ee mgaalada Muqdisho.

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabaa Sade Mahad Dirir, waxaana dhalay ganacsade caana oo lagu magacaabi jiray Mahad Mahad Dirir Guuleed oo guryo iyo xarumo ganacsi oo waaweyn ku lahaa degmada Heliwaa.

Dad goobjoogeyaal ahaa markii falka naxdinta leh dhacay ayaa  sheegay in Marxuunka la dilay ee  Sade Mahad Dirir uu ku dhex jiray masjidka, xilligaasina uu akhrisanayay  Kitaab Qur’aanka ah.

Dableyda dilka geysatay ayaa isla markiiba goobta ka baxsaday, waxaana marki dambe gaaray ciidamada degmada Heliwaa ee booliska.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON