Ninkii Shiishyahanka ahaa ee toogtay 12 sarkaal oo ka tirsan magaalada Dallas ee dalka Mareykanka oo shan ka mida uu dilay ayaa la aqoonsaday isagoo noqday askari ka tirsan ciidamada Keydka ee dalka Mareykanka.
Ninkan ayaa lagu magacaabaa Micah Xavier Johnson, waana 25- sano jir ka tirsan ciidamada keydka, mana jiraan sida la sheegay dembiyo uu hore u galay. Wuxuu tegay Dalka Afghanistan oo uu kasoo howlgalay, sida ay saxaafadda u sheegeen saaxiibadiisna wuxuu ahaa qof degan oo aan hore wax dhibaato ah u geysan.
Ninkan oo kasoo jeeda Mesquite, Texas, oo 20 daqiiqo u jira magaalada Dallas ee uu falka ka geystay ayaa la sheegay inuu iskiis go’aanka u qaatay. Wuxuu intaas ku daray inuu aad uga xumaaday dadka caddaanka ah oo tacadiyada dilalka ah kula kacaya dadka madow.
Micah Xavier Johnson wuxuu si cad u sheegay inuu doonayay inuu laayo dadka caddaanka ah, gaar ahaan saraakiisha Booliska ee caddaanka ah, waxaa sidaasi saxaafadda u sheegay taliyaha Booliska magaalada Dallas David Brown. Waxaa la rumeysan yahay in ninkan lagu dilay dagaal culus oo dhex maray Booliska iyadoo dilkiisa loo adeegsaday Bam Robot ah.
Booliska ayaa si weyn ula yaabay qaabka toogashada ee ninkan uu ku halgaaday Booliska, isagoo shiishkiisu ahaa mid halis ah oo booliska magaalada qasaare ba’an u geystay.
SAWIRRO


Goobjooge.com