Ninkii Weerarka hubeysan ka geystay Magaalada Toronto ee dalka Canada oo noqday Soomaali

Booliska dalka Canada ayaa shaaciyey ninkii fuliyey weerarkii toogashada ahaa ee ka dhacay magaalada Toronto habeenkii Axadda, iyadoo ninkaasi uu noqday Soomaali ku noolaa dalkaasi.

Booliska ayaa sheegay in Faysal Xuseen oo ahaa 29 oo deganaa magaalada Toronto, laguna dilay weerarka inuu ka danbeeyay falkii ka dhacay magaalada 2 qof ay ku dhinteen 15 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ad

Booliiska waxay sheegeen in ninkaasi uu dilay gabar 10 jir ahayd iyo haweeney 18 jir ahayd kadib markii uu rasaas ku furay wadda mashquul badan oo ku taalla xaafadda Greektown. Qoyska ninkaas ayaa sheegay in maskaxda looga jiray Faysal Xuseen.

Bayaan ay soo saareen Isniintii ayey ku sheegeen inay aad uga murugsan yihiin warka aan la qaadan karin ee ah in Faysal uu mas’uul ka ahaa toogashada.

“Inkasta oo aan si walba isugu daynay inana caawimaad u helno muddadii uu la tacaalayey xanuunka, marnaba ma fileyn in tani ay noqon doonto dhammaadkiisa” ayay yiraahdeen qoyska.

Booliiska ayaa weli ka shaqeynaya inay go’aan ka gaaraan sababta dhalisay weerarka, meeshana kama saarin suurta-galnimo kasta.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!