Wednesday, June 25, 2025

Niyukliyeer ay tijaabisay Waqooyiga Kuuriya oo Dhul gariir dhaliyay

Kuuriyada waqooyi ayaa shaacisay  inay ku guulaysatay tijaabada hub Nukleer ah oo ay xanbaari karaan gantaalada riddada dheer.

Kuuriyada waqooyi ayaa waxa ay sheegtay in si buuxda ay ugu guulaysatay tijaabadii lixaad ee hubka Nukleerka. Xukuumada Pyongyang ayaa sheegtay in ay tijaabisay banbaano hydrogen ah oo ka awood badan Bamka atoomikada.

Khubarada lafagura arrintan ayaa waxa ay sheegeen in sheegashadan ay tahay in si taxadar leh loo eego balse Kuuriyada waqooyi ay awoodeeda sii balaarinayso. Dhulgariir cabirkiisu yahay 5.6 oo saaka laga dareemay Waqooyiga Kuuriya ayaa la sheegay inuu ahaa tijaabada Ban-ka  hydrogen-ka ah ee lagu guuleystay.

Markii ugu danbaysay oo ay tijaabo Nukleer ay samayso Kuuriyada Waqooyi ayaa ahayd September 2016. Kuuriyada waqooyi ayaa iska dhagatirtay cadaadiska caalamiga ah ee ku baaqaya in ay joojiso tijaabinta gantaalada iyo Nukleerka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON