Saturday, June 28, 2025

DAAWO VIDEO & SAWIRRO: Obama oo qoob-ka-cayaar la yaab leh kusoo bandhigay dalka Argentina

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa mar kale soo jiitay indhaha dadka kadib markii laga dalbaday inuu ciyaarta qoob-ka-ciyaarka caanka ah ee TANGO loogu yeeray inuu la ciyaaro haweeney ka mida kuwa ciyaartaasi ku dheereeya, isagoo kadibna cagajiid ku aqbalay xaflad casho ah oo ka dhacday Arbacadii Xalay magaalada Buenos Aires ee dalka Argentina oo socdaal rasmi ah uu ku joogo.

Xaflada cashada waxaa u sameeyay madaxweyne Obama iyo xaaskiisa, madaxweynaha dalka Argentine Mauricio Macri. Inta aanay xaaladan ku dhicin Madaxweyne Obama, waxay Obama iyo xaskiisa daawadeen lamaanayaal ciyaartan si heer sare ah ugu soo bandhigay marti sharafta horteeda, kadibna mid kamida haweeneyda ciyaartaasi ayaa u tagtay madaxweyne Obama oo fadhigiisa uga codsatay inuu la ciyaaro iyadoo gacanta u taageysa.

Madxaweyne Obama oo is celis kooban ka timid soo istaagay oo gacanta ku dhigtay haweeneydaasi ciyaarta Tango sida weyn ugu xirfadeysa, waxaana halkaasi ka dhacay ciyaar dadka soo jiidatay oo daqiiqad ku dhowaad socotay oo madaxweyne Obama isa soo bandhigay inuu aqoon ilaa heer ah u leeyahay qoob ka ciyaarka Tango.

Inta ciyaarta madaxweyne Obama iyo haweeneydaasi dhex martay oo indhaha caalamka soo jiidatay waxaa barbar socday ciyaar kale oo Michele Obama iyo nin ka mida kuwa ciyaartan yaqaana ka dhex socotay, laakiin indhaha oo dhan waxay ku sii jeedeen Obama, dhaqdhaqaaq iyo isla jimcsi socday muddo kooban kadib waxaa la joojiyay miyuusikii waxaana  dhammaatay ciyaartii iyadoo sacab badan u dhacay madaxweyne Obama.

Saxaafadda caalamka ayaa si weyn u hadal heysay qisada madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ku qabsatay guriga Madaxtooyad ee magaalada Buones Aires, waxayna intooda badan ku sheegeen madaxweynaha inuu ka baxsaday xaaladaas adag oo soo wajahday.

HOOS KA DAAWO SAWIRRO

U.S. President Barack Obama and his wife Michelle dance tango during a state dinner hosted by Argentina's President Mauricio Macri at the Centro Cultural Kirchner as part of President Obama's two-day visit to Argentina, in Buenos Aires March 23, 2016.  REUTERS/Carlos Barria
Madaxweyne Obama oo qoob ka ciyaarka Tango ku soo bandhigay xaflad ka dhacday dalka Argentine
U.S. President Barack Obama dances tango during a state dinner hosted by Argentina's President Mauricio Macri at the Centro Cultural Kirchner as part of President Obama's two-day visit to Argentina, in Buenos Aires March 23, 2016.  REUTERS/Carlos Barria
Madaxweyne Obama oo qoob ka ciyaar ku soo bandhigay  xafladii cashada ee Buones Aired, Argentine

U.S. President Barack Obama dances tango during a state dinner hosted by Argentina's President Mauricio Macri at the Centro Cultural Kirchner as part of President Obama's two-day visit to Argentina, in Buenos Aires March 23, 2016.  REUTERS/Carlos Barria

U.S. President Barack Obama and his wife Michelle dance tango during a state dinner hosted by Argentina's President Mauricio Macri at the Centro Cultural Kirchner as part of President Obama's two-day visit to Argentina, in Buenos Aires March 23, 2016.  REUTERS/Carlos Barria

DAAWO VIDEO CIYAARTII OBAMA 

Xulshada Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON